3 malyan oo carruur ah oo u dhintay dawo aan loo qorin

0
138

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 3 milyan oo carruur ah oo ku nool caalamka oo dhan ayaa la aaminsan yahay inay u dhinteen sanadkii 2022 dawooyinkan Antibiyootigga oo uu jirkoodu qabatimay, sida ay ay qabto daraasad ay sameeyeen labo ka mid ah khubarada caafimaadka carruurta.

Carruurta Afrika iyo Koonfurta Aasiya ayaa laga helay inay yihiin kuwa ugu badan ee khatarta ugu jira iska caabinta Antimicrobial, oo loo yaqaan AMR, waxaana ay sii darsadaan marka bakteeriyada sameyso iska caabinta dawooyinka antibioti-ga, iyada oo ka dhigaysa dawooyinkaasi kuwa aan shaqaynayn.

Iska caabinada Antimicrobial ayaa loo aqoonsaday inay tahay mid ka mid ah waxyeelooyinka ugu daran caafimaadka ee ay wajahayaan dadweynaha caalamka.

Daraasad cusub ayaa shaaca ka qaaday waxyeelo soo gaarta carruurta oo ay sabab u tahay iska caabinada antimicrobial iyaga oo adeegsanaya xogta isha laba dhinac oo ay ku jirto hay’adda caafimaadka addunka (WHO) iyo Bangiga Addunka, waxaana saynisyahanada qaybta ka ah daraasada ay ku qiyaaseen in ka badan 3 milyan oo carruur ah inay u dhinteen sanadkii 2022, ayna sabab u ahayd iska caabinada dawooyinka ee infakshanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here