30 askari oo kamid ciidanka Asluubta Puntland oo tababar looga furay Garoowe

0
177

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Taliska Ciidanka Asluubta Puntland oo kaashanaya Hay’adda UNODC ayaa kulliyadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Gen. Cali Nuur ee Garoowe tababar uga furay 30 askari oo katirsan ciidanka Asluubta Puntland.

Tababarkaan oo ay furitaankiisa goob joog ka ahaayeen Hoggaanka qorshaynta iyo tababarada Ciidanka Asluubta Puntland, Taliska Kulliyadda Gen, Cali Nuur iyo Saraakiil katirsan Hay’adda UNODC ayaa waxaa lagu baran doonaa dhaqan celinta Maxaabiista iyo fududaynta sidii ay maxaabiistu dib wax ula qabsan lahayd bulshada marka ay dhammaystaan xukunada.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here