35 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Shiinaha.

0
53

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay, 43 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu gaari jiiray dad ku cayaaraayay garoon ku yaal magaalada Zhuhai, Shiinaha, Isniintii, sida ay sheegeen hay’adaha dowliga ah.

Darawal 62-jir ah oo magaciisa lagu sheegay Fan ayaa la sheegay in uu waday baabuurka shilka galay, taas oo booliska maxalliga ah ay ku tilmaameen “weerar halis ah”.

Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in dad isugu jira dhallinyaro iyo carruur ay ka mid ahaayeen kuwa dhaawacmay.Booliska ayaa sheegay in Fan la qabtay isagoo isku dayaya inuu baxsado.

Dhacdadan ayaa dhacday xilli ammaanka magaalada la adkeeyay maadaama lagu qabanayo munaasad weyn oo cimilada looga hadlayo.

Inta badan muuqaalada dhacdada oo lagu baahiyay baraha bulshada ay soo dhigeen dad goob joogayaal ah ayaa laga saaray baraha bulshada ee Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here