35 Qof oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Bakhaar Shidaal Lagu Keydinayay

0
73

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wararka ka imanaya dalka Benin ayaa sheegaya in 35 qof ay geeriyoodeen 10 kalena dhaawac halis ah uu soo gaaray kaddib dab ka kacay bakhaar lagu keydinayay shidaal sharci darro ah oo ku taalla koofur bari dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Benin, al-Xasan Sayidu ayaa sheegay in dabkaasi ka kacay magaalada Seme-Podji oo ku taalla xadka ay wadaagaan Benin iyo Nigeria uu ahaa mid dad badani galaaftay noloshooda.

Dadka geeriyooday ayaa lagu soo warramayaa in ay ku jiraan laba carruur ah oo da’doodu ka yartahay laba sano.