Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Sudan, Antoine Gérard, ayaa sheegay in ay adag tahay in la ogaado tirada dhimashada maadama ay aan la gaari karin dhulka ay dhibaatadu ka dhacday.
SLM oo ah koox hubeysan oo gacanta ku haysa dhulka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa mar sii horeysay sheegay in ugu yaraan kun qof ay ku dhinteen dhulka soo dumay.
Roobab da’ayay maalmo ayaa sababay Axadii in dhul taag ah uu soo dumo kaas oo inta badan tuulada Tarseen dhulka la simay sid ay ku sheegeen qoraal ka soo baxay kooxda SLM.
Kooxda SLM ayaa ka dalbaday kaalmo bani’aadannimo Qaramada Midoobay iyo ururada kale ee gobolka iyo kuwa caalamiga.
Dad badan oo ku nool waqooyiga Darfur ayaa u soo barakacay buuraha gobolka Marra kaddib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya militeriga Sudan iyo kooxda RSF.
Sanadkii 2023-kii ayuu Sudan ka qarxay dagaal u dhexeeyay militeriga dalka iyo kooxda RSF taas oo dalka gelisay macluul, waxay kaloo horseeday eedo xasuuq oo ka dhacay galbeedka gobolka Darfur.
Tirada ku dhimatay dagaalka ayaa aad u badan, waxayna saraakiil Mareykan ah sanadkii la soo dhaafay ku qiyaaseen ilaa iyo 150,000 in dagaalka lagu dilay ilaa iyo markii uu bilowday sanadkii 2023-kii. Ku dhawaad 12 milyan ayaa ka qaxay guryahooda.
[6:04 pm, 02/09/2025] +252 61 5681056: Wasiirka wasaaradda Shaqada Koonfur-galbeed ayaa magaalada Baydhabo ka daah-furtay shir ku saabsan ilaalinta bulshada.
Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa qorshaha istaraatiijiyada bulshada gaar ahaane kajaawibada arimaha degdega ah.
Wasiirka wasaaradda Shaqada Koonfur-galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo daahfuray kulanka ayaa kawaramaya ahmiyadiisa.
wasaaradda Shaqada Koonfur-galbeed ayaa mudooyinkan degmoyinka Koofurgalbeed ka waday shirar ku saabsan qorshaha ilaalinta 2025 2029


