450 caruur oo dhar ciid loogu qaybiyay Muqdisho.

0
83

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta 450 caruur Agoon ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysas danyar ah u qeybiyay dharkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen munaasabada Eidul Fidriga.

Munaasabadan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasime Kuxigeenka Waaxda Agoonta iyo da’yarta tabaaleysan ee Gobolka Banaadir Marwo Ilhaan Aweys Axmed.

Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq