Real Madrid oo saddexada dhibcood si raaxo leh kaga soo heshay Celta Vigo oo ay booqatay

0
205

Baladweyne (Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa saddexada dhibcood si raaxo leh kaga soo heshay Celta Vigo oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, kulan xiiso badan oo ka tirsanaa horyaalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Daqiiqadii 14-aad Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay gooldhaliyahooda koowaad ee Karim Benzema, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

23 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda martida loo ahaa ee Celta Vigo ayaa markeeda lagu abaal mariyay gool ku laad, waxaana qabsaday oo gool ka dhigay xiddigooda Iago Aspas.

Laakiin daqiiqadii 41-aad Luka Modrić oo caawin ka helay David Alaba ayaa wuxuu markale hoggaanka u dhiibay Real Madrid, isaga oo dheesha ka dhigay 1-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

56 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Real Madrid ayaa la timid goolkeeda saddexaad waxaana ciyaarta 1-3 ka dhigay V. Junior kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Modric.

Valverde oo ay caawin kaga timid xiddiga reer Brazil V. Junior ayaa daqiiqadii 66-aad wuxuu hoggaanka u sii dheereeyay Real Madrid, kaddib markii uu ka dhigay 1-4.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Celta Vigo oo ay booqatay, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca labaad ee horyaalka La Liga.