69 oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay dalka Philippines

0
136

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.9 oo ku dhuftay bartamaha dalka Philippines, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maareynta musiibooyinka ee dalkaasi.

Magaalada Bogo iyo degmooyin kale oo uu saameeyay dhulgariirka ayaa lagaga dhawaaqay “xaalad musiibo”.

Dhulgariirka ayaa Talaadadii ka dhacay xeebaha magaalada Cebu wuxuuna sababay koronto la’aan iyo burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaasha.

Hay’adda Cilmiga Dhulka iyo Fulkaanta ee Philippines (PHIVOLCS) ma aysan soo saarin waxa digniin ah oo la xiriirta tsunami.

Dadka ku nool meelaha uu dhulgariirka ka dhacay ayaa u sheegay BBC-da in ay habeenkii lasoo dhaafay seexdeen waddooyinka dibadda, iyaga oo ka cabsi qaba dhulgariir kale ama dhismayaal burbura.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here