78 qof oo daacuun ugu dhintay dalka Kenya

0
152

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa shaacisay in 78 qof ay cudurka dacuunka u dhinteen saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

In ka badan 4,186 ayaa xanuunkan daacuunka la jiifa  goobaha casfimaadka oo hadda lagu daaweynayo.

Wasiiradda caafimaadka Kenya Susan Wafula oo xariga ka jareysay dawooyin iyo agab kale oo looga hortagayo fidida cudurka dacuunka ayaa sheegatay in 14 maamul uu sameyay cudurkaasi.

Wasaaradda caafimaadka kenya ayaa sheegtay in dad badan ay qarka u saran yihiin in ay u dhintan cudurkan.