DEG-DEG: Newcastle Oo La Saxeexatay Xiddig Jabiyey Rikoodhkeedii Iibka

0
138

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa jabisay rikoodhkeedii iibka ciyaartoyda, waxaanay la saxeexatay xiddigii ugu qaalisanaa taariikhdeeda oo ay u diyaarsanayso inuu ka caawiyo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda oo ah markii ugu horreysay oo ay ka qayb-gelayaan muddo ka badan 23 sannadood.

Newcastle United ayaa waxay si buuxda u dhamaystirtay heshiiska xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Talyaaniga iyo AC Milan ee Sandro Tonali oo shalay ay heshiiskiisa shaqsiga ah sii dhamaystirtay, maantana ay Milan kala heshiisay iibka.

23 jirkan ayaa noqday saxeexii koowaad ee tababare Eddie Howe ee xagaagan, waxaana uu saxeexayaa heshiis lix sannadood ah oo uu ku xoogsan doono lacag gaadhaysa £8 milyan oo Gini oo naqad ah iyo £2 milyan oo Gini oo kale oo gunnooyin kala duwan ah.

AC Milan ayaa hore u diiday dalabkii koowaad ee ay Newcastle u gudbisay oo ahaa £60 milyan oo Gini, waxaana hadda ay labada kooxood isku raaceen in kooxda horyaalka Premier League ay bixiso £60 milyan oo kaash ah iyo lacag kale oo ka badan £13 milyan oo Gini oo ku xdhnaan doonta bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho.

Waxa uu qiimahani ka dhigayaa ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee ay la saxeexato Newcastle United intii ay dhisnayd, waxaana uu dhaafay Alexander Isak oo xagaagii hore ay Real Sociedad kasoo iibsadeen.

Tolonia ayaa kaliya saddex sannadood oo midkood amaah ahaa u ciyaaray AC Milan oo sannadkii 2021 uu kaga soo biiray Brescia, waxaana uu kooxda tababare Stefano Pioli u saftay 48 kulan xilli-ciyaareedkii tegay, isaga oo dhaliyey laba gool, toban kalena caawiyey.

Waxa uu ka mid ahaa xiddigihii bandhigga heerka sare ah ka sameeyey tartanka Champions League ee sababta u ahaa in Milan ay timaaddo semi-finalka oo ay ku reebtay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Inter.

Tolonia ayaa waxa uu hadda xulka qarankiisa kala qayb-gelayaa tartanka qaramaada Yurub ee 21-jirrada ay da’doodu ka hoosayso.