Enzo Fernandez Oo Ka Fal Celiyay Wararka Chelsea La Xidhiidhinaya Moises Caicedo

0
155

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga kooxda chelsea ee Enzo Fernandez ayaa baraha bulshada kaga fal celiyay baacsiga ay kooxdiisu ugu jirto xiddiga Moises Caicedo xilli ay Blues ku dhawdahay dhamaystirka saxiixa xiddiga.

Blues ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga reer Ecuador ka saxiixatay heshiis 8 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ka ciyaarta Stamford Bridge.

Blues ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Caicedo dhamaadkii bishii May iyada oo xiddigu aad u doonayay in uu ku biiro Chelsea inkasta oo ay Liverpool kooxdiisa Brighton kala heshiisay saxiixiisa.

Laakiin Caicede ayaa Liverpool u sheegay in uu doonayo kaliya ku biirista kooxda chelsea iyada oo xiddiga 21 jirka ah haatan ku dhawyahay in uu ku biiro Blues qalinkana ku duugi doono heshiis ilaa sanadka 2031 ah.

Enze oo ay Blues kula soo saxiixatay lacag rikoodh ah ayaa “Like” saaray qoraalka uu Fabrizio Romano ku xaqiijinayo in ay Blues heshiis la gaadhay xiddiga.

Caicedo ayaa la filaya in uu Enzo kaga garab ciyaaro chelsea hadii ay ay Blues dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe saacadaha soo socda.

Sii Akhriso: 18 Ka Mid Ah Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Degmo Ka Tirsan Shabeellada Hoose