Wasaaradda gargaarka Hirshabeelle oo Baladweyne ka bilowday Qorshe looga hortagayo musuqmaasuqa gargaarka.

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)-Isku duwaha wasaaradda gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cabdisalaan Faarax Maxamed ayaa Radio Beerlula u sheegay inay bilaabeen qorshe looga hortagayo in la musuqmaasuqo gargaarka loogu talo galay dadka danyarta ee ku nool magaalada Baladweyne.

Gargaar loogu talo galay dadka danyarta ayaa inta badan lagu arkay iyadoo lagu iibinayo suuqyada magaalada Baladweyne sida uu Radio Beerlula u sheegay isku duwaha wasaaradda gargaarka iyo mareynta masiibooyinka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan Cabdislaan Faarax Maxamed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.