Taageerayaasha Arsenal Oo Jamie Carragher Ku Eedeeyay Labo Wajiilenimo & Carragher Oo U Jawaabay

0
127

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Jamie Carragher  ayaa u jawaabay taageerayaasha Arsenal oo ku tilmaamay labo wajiile iyagoo soo bandhigay muuqaal hore oo jawaab u ahaa hadaladii uu yiri kulankii ay Gunners todobaadkii hore ka badisay Liverpool.

Daaficii hore ee Reds ayaa carro badan abuuray ka dib markii uu ku dhaleeceeyay Arsenal sida waalida ah ee ay u dabaaldegeen kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Liverpool.

Wuxuu si gaar ah u bartilmaameedsaday kabtanka kooxda Martin Odegaard kaasoo taageerayaasha la dabaaldegay waqti dheer islamarkaana sawiro isaga dhex qaaday garoonka, Carragher oo waqtigaas joogay istuudiyaha Sky Sports ayaa yiri: “Bax aad qolka labiska, dhab ayay iga tahay. Waad badisay ciyaarta, waxaad heshay seddexda dhibcood, orodoo qolka labiska aad.”

Taageerayaasha Arsenal ayaa haatan soo bandhigay muuqaal 2018kii ah oo uu Jamie Carragher ku amaanayo Jurgen Klopp inuu orod ku galay garoonka dhexdiisa ka dib markii Divock Origi uu daqiiqadii ugu danbeysay goolka guusha ka dhaliyay Everton.

Muuqaalkaas Carragher ayaa dhahaya: “Wuxuu ahaa dabaaldeg aad u fiican. Dabcan ganaax lacageed ayuu muteysan doonaa sababtoo ah tababarayaasha looma ogola inay dhex galaan garoonka, laakiin waa waqti cajiib ah oio taageero badan uu jecel yahay inuu arko tababarihiisa oo sidaas sameynaya oo laabta gelinaya ciyaaryahankii goolka dhaliyay.

“Waxay noqon doontaa mid la xusuusan doono sannado. Man United way soo sameysay, Pep Guardiola wuu soo sameeyay. Wax aad u fiican ayay aheyd.”

Muuqaalkaan la soo bandhigay ayaa keentay in Carragher lagu eedeeyo labo wajiilenimo madaama uu 2018kii ku amaanay Klopp dabaaldegiisa waalidaa ahaa islamarkaana Arsenal ku cambaareeyay dabaaldegooda. Laakiin Carragher ayaa u jawaabay jamaahiirta Arsenal isagoo Twitter ku soo qoray:

“Tusaalayaasha aan muuqaalka ku isticmaalay dhamaantood waa guul la gaaray daqiiqadii ugu danbeysay ciyaarta, Arsenal 3-1 ayay kaga badisay 10 nin. Xaqiiqda ah inaad weli ka hadleysaan iyadoo shan maalmood ay ka soo wareegtay ayaa muujineysa sida aad ugu dhadhaban tihiin aragtideyda