5 ka mid ah ciidanka Mareykanka oo ku dhintay shil diyaaradeed

0
92

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shan ka mid ah ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay shil diyaaradeed xilli ay ka soo duulayeen Nevada kuna sii jeedeen California horraantii toddobaadkan ayaa la aqoonsaday.

Helicopter-ka oo nooceedu ahaa Marine Corps CH-53E Super Stallion, ayaa la waayay Arbacadii, waxaana markii dambe laga helay dhul buuraley ah oo ku yaala California.

Diyaaradda helicopter-ka ayaa ku jirtay duulimaad tababar ah oo iyadoo ka soo duushay saldhig ciidamada cirka ee Nevada, kuna wajahneyd xarun diyaaradeed oo ku dhow San Diego.

Wali waxaa la baarayaa sababta keentay burburka diyaaradda.