Olole nadaafadeed oo laga furay Muqdisho

0
62

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa maanta daah furay Dib u howlgalinta ololaha Nadaafada iyo Ganaaxyada dadka ku xad gudba bilicda Caasimadda.

Fulinta ololahan ayaa Dowladda Hoose Xamar waxa ay u xil saartay Shirkada Nadaafada EFI, iyada oo goobta lagu soo bandhigay Gaadiid iyo Ciidamo si gaar ah u fulin doono barnaamijka bilic soo celinta iyo la xisaabtanka dadka ku xad-gudba Nadaafada.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.