Real Madrid Iyo Manchester City Oo Guulo Kusoo Gaadhay Garoomo Ay Marti Ku Ahaayeen

0
75

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha kubadda cagta Real Madrid iyo Manchester City ayaa guulo ku bilowday wareegga 16ka Champions League iyagoo marti ah, waxaanay hoygooda kula laabanayaan iyagoo haysta fursad weyn oo ay iskaga xaadirin karaan wareegga siddeedda.

Real Madrid ayaa waxa ay guul cidhiidhi ah kasoo gaadhay RB Leizpig oo ay ku booqatay waddanka Germany, waxaana libinteedan go’aamiyey Brahim Diaz halka Manchester City ay 3-1 kusoo karbaashtay kooxda reer Denmark ee FC Copenhagen.

 

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ka dhacday garoonka RB Leipzig ee Red Bull Arena ayaa Real Madrid ay kusoo gaadhay guul ay ku rafaadday, waxaanay uga mahad-celiyeen Brahim Diaz oo sidii Lionel Messi oo kale dersin ciyaartooyo ah u dhax-maray ka hor intii aanu darbad lugta bidix ah ku tooganin goolka markii uu lugaha lasoo galay xerada ganaaxa.

 

 

 

RB Leipzig ayaa ay nasiib-darro ku dhacday oo qaybtii hore laga diiday gool uu u dhaliyey Sesko qaybtii hore, kaas oo markii ay dabbaal-degga bilaabeen ciyaartoyda RB Leipzig ay arkeen calanka oo dhinaca ka taagan oo loogu sheegayo inuu offside ku jiray.

 

Vinicius Junior ayaa kubbad uu goolhayaha oo kali ah ula tegay oo uu dhinac ka dhigay kubadda, waxay kaga soo dhacday birta, waxaana awoodi waayey inuu ku celiyo Rodrygo oo ay kadis ku noqotay iyo Diaz oo waqti dambe yimid.

 

RB Leipzig ayaa dhinaceeda samaysay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karaysay, waxaana ay faraha caseeyeen goolhaye Andriy Lunin oo ay u ahayd habeen uu bandhig fiican sameeyey.

 

Dhinaca kale, Manchester City aya1 3-1 kusoo garaacday FC Copenhagen oo ay ku booqdeen waddanka Denmark, taas oo uu si fudud ku burburiyey Kevin de Bruyne oo hal gool ka dhaliyey, labada kalena caawiyey.

 

 

 

De Bruyne ayaa daqiiqaddii 10aad ee ciyaarta dhaliyey goolka koowaad ee furaha u noqday guusha kooxdiisa, laakiin waxa dhabqiyey goolhaye Ederson oo kubbad hadiyad ah u dhiibay FC Copenhagen oo iyaguna ka dhaliyey.

 

De Bruyne ayaa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada waxa uu hadiyad siiyey Bernardo oo si qurux badan u dhamaystiray, halka qaybtii labaadna uu dhamaadkeedii Phil Foden ku maamuusay kubbad uu gool u beddelay da’yarka reer England, taas oo ka dhigan in De Bruyne uu laba caawimood iyo gool ka dhaliyey ciyaartan.