Arday ka aflaxday jaamacadda Jobkey oo munaasabad loogu qabtay Beledweyne

0
44

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen in ka badan 100 ardey oo ka aflaxday jamaacadda Jobkey kuwaasoo dhameeyay kuliyaddaha beeraha, Caafimaadka, IT-ga, xanaanada xoolaha maamulka iyo ganacsiga.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, bahda waxbarashadda, xubno ka socda wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, waalidiin, ardeyda qalin jabisay iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadda.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.