Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Degmada Faraweyne ee Gobalka Maroodi jeex oo aay wehliyaan culuma u diinka Gobalkaas ayaa si wada Jir ah xeraga ugu jarey Ceel Biyood laga hirgeliyey Deegaanka Dhaboolaq oo hoostaka Dagmadaasi ismarkaana ka tirsan maamulka soomaliland.
Ceelkaan xeraga laga jaray ee ku yaalo Deegaanka Dhaboolaq ayaa waxaa Degaankaasi ugu deeqday Saynab Saciid Ibraahim oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda Deeganada Maamulka Soomaliland.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.