Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Maxamad Diiriye Guureeye ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadda 1-aad ee ciidanka Asluubta, qeybtooda Galmudug kuwaas oo lagu tababarayay magaalada Galkacyo gaar ahaana qeybta galmudug .
munaasabada xeritaanka tababarka ciidanka asluubta ee qeybta galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta maamulka gaalkacyo bahda garsoorka galmudug iyo xildhibaano ka tirsan galmudug marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada xeritaanka tababarka.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.