Khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa magaalada Jawiil ee gobolka Hiiraan oo la shaaciyay.

0
127

Baladwayne ( Radio Beerlula )-In ka badan 150 kun oo dollar ayaa lagu qiyaasay khasaaraha ka dhashay dabkii dhawaan burburiyay goobo ganacsi oo ku yaallay magaalada Jawiil ee gobolka Hiiraan.

Goobahan ganacsi ee dabka uu baabiyay ayaa iskugu jiray kaalmo shidaal, baqaaro, maqaayado iyo guryo oo intooda badan ay lahayeen dad danyar ah oo nolol maalmeedka qoysaskooda ka mareyn jiray ganacsigan.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.