Xuska maalinta Afka hooyo oo maanta dunida laga xusayo.

0
53

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Golaha guud ee qaramada midoobay 17-kii bishii November sannadkii 1999-kii ogoladay maalinta afka hooyo, iyadoo dabal dega maalinta ay soo bilaabatay sannadkii 2002-dii, waxana hadafka loo sameyay ay tahay wacyigelinta luuqadaha, kala duwanaanta dhaqanka iyo kor u qaadida luuqadaha.

Maalintan ayaa sannad kasta la xusa 21-ka Feberaayo oo maanta ku began si bulshada loogu baraarujiyo ahmiyadda afka Hooyo.

Cabdifitaax Cumar dhaqane Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Hiiraan ayaa Radio Beerlula ugu waramay Waxyaabihii ay ka qabteen Horumaringa Afka Hooyo iyo qorshayaasha ugu dagasan.

Abwaan Daahir Ibraahim Xuseen Oo kamid ah abwaanada magaalada Baladweyne ayaa Radio ugu waramay muhiimada maalinta iyo sida ay ugu qeyb qaataan Hormarinta Afka Hooyo.

Bashiir ibraahim Sheakh Cabdulaahi iyo Cabdisalaan Cabdulaahi Cumar oo kamid ah macalimiinta dhiga luuqada afka hooyo ee Soomaaliga kana mid ah macalimiinta Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimada maalintan iyo qaabka ay ardayda u baraan afka hooyo.

Qaar kamid ah ardayda wax ka dhigta iskuulada ku yaalo Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay waxa ay uga dhigantahay maalintan iyo sida wax loo baro.

Fikradda lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxay ahayd hindisaha Bangladesh. Waxaa lagu ansixiyay shirkii guud ee UNESCO 1999

UNESCO waxa ay aaminsantahay muhiimada kala duwanaanshaha dhaqameed iyo luqadeed ee bulshooyinka waara. Waxa ayna ku jirtaa waajibaadkeeda nabadda iyo inay ka shaqeyso ilaalinta kala duwanaanshaha dhaqamada iyo luqadaha soo kobcaya dulqaadka iyo ixtiraamka dadka kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.