Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaarada degaanka iyo isbadelka cimilada Dowlada Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Ku Qabatay shir lagu Soo bandhigayey laguna ansixinayey Warbixin laga diyaariyey heerka unuglaanshaha saamaynata isbedelka cimilada ee uu ku yeeshay qaar kamid Wasaaradaha KGS kuwood Waxsoosaarka,Adeega Bulshada iyo Kaabiyaasha Dhaqaalaha.
Shirkan waxaa ka Soo qayb-galay Qaar Kamid ah Wasiirada wasaaradaha Waxsoosaarka ,Adeega Bulshada iyo Kaabiyaasha Dhaqaalaha Dawladda koonfur galbeed iyo Qaar kamid Bulshada Rayid ah Jaamacadaha , Ha’adaha UNDP iyo KAAL oo Wasaarada Kala Qaybqaadanaysa Diyaarinta Cilmi Baaristaan.
Warkan waxaa inoo haya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.