Shirweynaha maamulada Gobolada iyo degmooyinka oo ka furmay Jowhar

0
84

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dowladda goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Dowladda, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka dowladda goboleedka Hirshabeelle.

Shirkan ayaa socon doonaa afar maalmood ah  waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.