Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in xabad joojin ku meel gaar ah la gaaro colaada Qasa isniinta soo socota.
Hakinta colaada ayaa la rajaynayaa inay timaado iyadoo maalmo uun ka dhiman yihiin bilashada bisha barakaysan ee Ramadan.
Qorshe qabyo ah ayaa soo jeedinaya in tani ay keeni karto hakad afartan maalmood ah, taas oo joojin doonta howlgalada militari si loogu ogolaado sii deynta la haystayaasha Israa’iil ee ay haystaan Xamaas.
Boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa. Dhismayaasha qaar waa la dayactiri doonaa, waxaanaa sidoo kale Qasa gali doona baabuur badan oo gargaar sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters