Baladweyne (Radio Beerlula)-Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah XFS ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay Barnaamij lagu Xoojinaayo xirfadda Bulshooyinka Barakacay gaar ahaan Kaluumaysatada.
Daahfurka Barnaamijkaan waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Kuluumaysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah iyo Masuuliyiin kale.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.