Shirweynaha maamulada gobolada iyo degmooyinka Hirshabelle oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa soo xiray shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Munaasabada lagu xiraayay shirka ayaa waxaa ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed labada gole ee Dowlad gobaleedka hirshabeelle Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan hoggaanka degmooyinka dowladda goboleedka Hirshabeelle.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.