Doorashooyin ka socda Iran

0
59

Baladweyne (Radio Beerlula)-Doorashooyinka xildhibannada baarlamanka iyo doorashada golaha khuburada ayaa maanta oo jimco ah ka bilaabatay dalka Iran, doorashooyinkan ayaa noqonaya kuwiii ugu horeeyay ee la qabto tan iyo sanadkii 2022-kii kadib markii ay dheceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda.

Doorashooyinkan maanta ayaa loo arkaa tijaabo muhiim ah oo sharci ah iyo taageerada qaranka ay u hayaaan hogaanka Iran – laakiin waxaa la filayaa in ay soo baxaan dad yar.

Dadka oo aan xiiso u lahayn doorashada ayaa weli ah mid aad u sareysa Iran ka dib muddo rabshado ay socdeen ka dib dhimashadii Mahsa Amini – oo loo xiray inay xirneyd xijaab “aan sax ahayn”.

In ka badan 61.2 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan.