Baarlamaanka Ghana oo korontada laga jartay.

0
49

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii jartay sahaydii korontada ee baarlamaanka, kaddib markii lagu la haaday deyn dhan 23 milyan oo lacagta Ghana ah oo u dhiganta $1.8m oo dollar.

Maqnaanshaha korontada ayaa hakad geliyay doodii ku saabsanayd khudbadii uu madaxweynaha jeedinayay.

Muuqaal ay faafisay warbaahinta gudaha ayaa muujinayay xildhibaano ku sugnaa qol iyagoo ku dhawaaqaya: “Dumsor, dumsor”, taas oo macnaheedu yahay koronto la’aan marka loo eego luqadda maxalliga ah ee Akan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye dib u soo celiyay korantada qolka dhowr daqiiqo ka dib.

Laakin qeybaha kale ee xarunta baarlamaanka ayaa inta badan koronto la’aan ahaa.