Tababar ku saabsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo laga furay Baladweyne

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaaladda iyo garsoorka Hirshabeelle Mahad Maxamed Xassan ayaa maanta Magaalada Baladweyne ka daah furay tababar ku saabsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Tababarkan oo socon doonaa muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya saraakiil ka tirsan Ciidamada booliska. garsoorayaal xeerilaaliyaal ka tirsan maxkamaddaha degmooyinka gobolka Hiiraan.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.