Majaajiliiste caan ah oo geeriyooday

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Majaajiliiste caan ah oo Nigerian ah, John Okafor oo loo yaqaannay Mr. Ibu ayaa geeriyooday kadib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.

Mr. Ibu ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Lagos halkaas oo lagu daweynayay.

Wuxuu muddo 24 sano ah la daalaa dhacayay xanuun dhanka wadnaha ah.

Xanuunkiisa ayaa kasii daray sanadkii hore, inkastoo ay dhaqaatiirtu aad ula tacaaleen badbaadinta naftiisa.