Cuno la’aan ka jirta Nigeria iyo bakhaaro la jabsaday.

0
54

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Nigeria ayaa sheegay in ay xoojinayaan ammaanka dukaamada cuntada ee dowladda ka dib markii dadku ay jabsadeen bakhaar ku yaal caasimadda Abuja Axadii si ay cunto u xadaan.

Dalku waxa uu wajahayaa dhibaato dhaqaale oo sii xumaanaysa iyada oo sicir-bararku uu gaaray ku dhawaad​​boqolkiiba sodon.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhashay sare u kaca maciishada, waxaana maalin walba la soo sheegayaa in la dhacayo gawaari raashin ama bakhaarro.

Dawladdu waxay sheegtay inay qaybinayso tobanaan kun oo tan oo hadhuudh ah toddobaadkan.

Wasiirka beeraha Nigeria ayaa sheegay in militariga iyo booliiska la geynayo goobahaas si ay u xaqiijiyaan in cuntada si nabad ah ay dadka u gaarto.