Shirweynaha 11-aad ee Hab-xisaabeedka Islaamiga Afrika oo ka furmay Hargeysa

0
61

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweynaha 11-aad ee Hab-xisaabeedka Islaamiga ah ee Afrika oo sannadkan 2024-ka ay marti-gelisay Mgaaladaa Hargeysa.

Shirweynahan oo ay ka qaybgaleen madax caalami ah oo ka socota in ka badan Dhawr iyo Toban oo dalalka caalamka ah oo ku xeel-dheer dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, hormuudka Hay’adda caymiska Somaliland, madaxda Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay inay Somaliland ka faa’iidaysato khibradda dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga ah ee ay leeyihiin hay’adaha iyo khubarada caalamiga ah ee shirkan qaybta ka ahi.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.