Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Xafadda Sarakuusta ee deegaanka Garasbaaleey waxa ay gargaar ugu qaybisay 7,500 oo qoys kuwaas oo laga soo kala xulay 45 Kaam oo ku yaal duleedka Muqdisho.
Gargaarkaan ayaa iskugu jiray qaybaha kala duwan ee Raashinka, waxaana qaybintiisa Gob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA , Agaasimaha waaxda dabagalka iyo qiimaynta hay’adda SoDMA iyo Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq
.