Qaar ka mid ah saliidaha lagu daryeelo tinta oo laga helay kiimikooyin sababa kansar

0
47

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaar ka mid ah saliidaha lagu daryeelo tinta oo laga helay kiimikooyin sababa kansar

Cilmi-baarayaal ka tirsan Machadka Cilmi-baarista Dawooyinka ee Kenya (Kemri) ayaa ka helay formaldehyde, oo ah neurotoxin khatar ah oo sababi karta kansarka maskaxda iyo lumista xusuusta, kiimikooyinka timaha ee inta badan laga isticmaalo Kenya.

Warbixinta Kemri ayaa muujinaysa in ugu yaraan siddeed nooc oo kiimikooyinka timaha ah ay saameeyeen. Laakiin, cilmi-baarayaashu kuma aysan xusin sumadaha warbixinta.

“Lix ka mid ah oo (75 boqolkiiba ah) waxaa lagu soo saaray Kenya iyo laba (25 boqolkiiba) Uganda iyo Koonfur Afrika laga keenay. Shan ka mid ah oo (62.5 boqolkiiba ah) ayaa lagu calaamadeeyay in la isticmali karo ‘,” daraasadda Kemri ayaa tiri.

11 kiimiko oo kala duwan ayaa laga helay siddeed nooc oo saliidda timaha ah.

Noocyada la tijaabiyay ayaa si weyn looga isticmaalaa qeybaha kale ee dalka, gaar ahaan Nairobi.