Hay’adda SODMA oo deeq gar gaar ah u dirtay deegaanka Nuurdugle ee shabeellaha dhexe.

0
94

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta Shixnad gargaar ah u dirtay degaanka Nuur Dugle ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Gargaarkaan ayaa iskugu jira qaybaha kala duwan ee raashinka, waxaana hay’adda ugu talagashay mucaawinadaan in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas, kuwaas oo sameen ay ka soo gaartay colaadaha iyo daadadkii El-Niño.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq