Kulan looga hadlayay mashruuca Damal caafimaad oo lagu qabtay Muqdisho.

0
56

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Kulankaan oo socon doono muddo Shan Cisho ah ayaa looga hadlayaa Dib u eegista wixii u qabsoomey Hey’adihii loo xilsaarey mashruuca Damal Caafimaad ee ka so socda shanta Gobol ee kala ah Nugaal Bay Bakool Shabeellaha Dhaxe iyo Hiiraan kuwaas oo si toos ah uu ugu billowdey Mashruuca.

Kulanka waxaa kasoo qeybgaley madaxda iyo shaqaalaha Mashruuca Damal Caafimaad, agaasime waaxeedyada iyo madaxda barnaamijyada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socdey Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo Hey’adii loo xilsaarey daadejinta howlaha Caafimaad ee hadda ka bilowdey qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.