Maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah hay’addaha qaramada midoobay oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar.

0
40

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Dowladda Hirshabeelle iyo Hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh Hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellada Dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar waxana diirrada lagu saaray sidii dhinacyada u dardargelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan