Kenya oo hakisay qorshe ay booliis ku geyn lahayd Haiti

0
60

Baladweyne (  Radio Beerlula)- Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa BBC-da u sheegay in qorshihii ahaa in Boolis la geeyo dalka Haiti uu hadda hakad ku yimid ka dib markii uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry in uu xilka ka degayo.

Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, ayaa sheegay in maamul la’aanta siyaasadeed oo Haiti ah aysan jirin wax maamul ah oo keenista ciidamadu ay ku hiran karto.

Mr Sing’oei ayaa intaa ku daray in Kenya ay sugi doonto soo dhisida maamul cusub oo dastuuri ah ka hor inta aan la gaarin go’aano kale.

Sannadkii hore, Kenya waxay ballan-qaadday inay ku-dhawaad 1,000-askari oo booliis ah geyn doonto Haiti si ay qayb uga noqdaan ciidammo caalami ah si ay ula dagaallamaan kooxaha burcadda ah.