Baladwayne ( Radio Beerlula )-Shirkadaha Uber iyo Lyft ayaa sheegay inay joojin doonaan adeeggooda Minneapolis laga billaabo 1-da May, kadib markii Golaha Magaaladaasi uu ansixiyay sharci shirkadahan ku khasbaya inay mushaarka ugu hooseeya siiyaan wadayaasha.
Golaha deegaanka Minneapolis ayaa u codeeyay in meesha laga saaro diidmada qayaxan ee duqa magaalada Jacob Frey, iyadoo la hubinayo in darawallada magaaladu ay helaan $15.57 saacaddii.
“Waan ka niyad jabnay in golaha deegaanka Minneapoilis uu doortay inuu iska indhatiro xogta oo uu Uber ka saaro magaalooyinka mataanaha ah, isaga oo 10,000 oo qof ka dhigay shaqo la’aan iyo in qaar badan oo kale ay xayiran yihiin,” ayay tiri shirkadda Uber.
Arrintan ayaa timid kadib markii darawalada kaxeynayay gaadiidkan ay sameeyeen mudaaharaad 14-ii Febraayo sanadkan, si ay u dalbadaan mushahar caddaalad ah iyo xaalad shaqo oo caddaalad ah.