Ra,isul wasaaraha XFS oo Hay,adda qaramada midoobay kala hadlay arimaha barakacayaasha Soomaaliya

0
45

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin