Kenya oo weli baadigoobeysa askari ay daadadku qaadeen

0
54

Baladweyne(Radio Beerlula)-Waxaa weli socda baadi goobka meydka askari ka tirsan booliska Kenya oo daadadku ay qaadeen Axaddii, iyadoo maamulka uu ka dalbaday dadka ku nool dooxada hoose inay qeylo dhaan soo diraan haddii ay arkaan meydka.

Davide Chesire ayaa ka mid ahaa saraakiishii booliska ahayd ee ka jawaabay qeylo dhaan ka soo yeertay saddex dumar ah iyo ilmo yar oo ku xayiran guryo cooshado ah markii ay biyaha ku qaraqmeen .

“Ma quusaneyno,” taliyaha booliiska gobolka bartamaha, Doris Kemei ayaa u sheegay warbaahinta gudaha, isagoo sharraxay in baaritaanku uu ka billowday goobta uu shilku ka dhacay ee Muroto, ee uu mara wabiga Nairobi.

Dhanka kale , meydka ardayda fasalka lixaad oo ay daadadku qaadeen qeybta 5aad ee Dandora ayaa wali la la’yahay iyada oo ay samatabbixiyeyaashu sii wadaan raadinteeda. Baadigoobka labada mayd ayaa weli ah mid aan weli natiijo laga gaarin.