Bukaan lagu beeray kelli doofaar oo bogsaday

0
67

Baladweyne (Radio Beerlula)-Bukaankii ugu horreeyey ee lagu xiray kelli doofaar oo hidde rogan ayaa isbitaalka laga saaray, ka dib markii uu qalliinka ka soo kabtay.

Ninkan oo 62 sano jir ah ayaa Arbacadii gurigiisa loo diray, ka dib markii uu labo todobaad ku jirey isbitaalka Massachusetts General Hospital (MGH) oo ku yaal magaalada Boston ee dalka Mareykanka, halkaas lugula sameeyey qalliin taariikhda galay.

Waa markii ugu horreysey ee xubin doofaar oo hiddaheeda la dooriyey ay ku shaqeyso jir bini’aadam, taas oo ay saynisyahannadu si weyn ugu riyaaqeen.

Isbitaalka qalliinka sameeyey ee MGH oo hoos taga dugsiga caafimaadka ee jaamacadda Havard, ayaa warkan daboolka kaa qaaday Arbacadii.

Bukaankan oo la yiraahdo Richard “Rick” Slayman ayaa sannadkii 2018 waxaa lagu tallaalay kelli uu ku deeqay qof dhintey, laakiin muddo gaaban ka dib wey istaagtey, markaas oo dhakhaatiirtu u soo jeediyeen in kelli doofar lagu dayo.