Booliiska Mareykanka oo $17.5m magdhow u siinaya haween xijaabka laga siibay

0
61

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Booliiska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa lacag dhan $17.5 milyan ku bixinaya dacwad ay so gudbiyeen labo haween Muslimiin ah oo lagu qasbay inay xijaabka siibaan mar ay sawirro ka qaadayeen booliiska laga shakisan yahay.

Dacwaddan oo ku muddeysneyd 2018 ayaa lagu sheegay in xoriyadda diimeed ee Jamila Clark iyo Ariwa Aziz meel looga dhacay sidoo kalena arrimahooda u gaarka ah loo dhacay.

Sida laga soo xigtay qareennada, in ka badan 3,600 oo qof ayaa laga yaabaa inay helaan lacagta sida la qorsheeyay.

Siyaasadda booliiska ayaa oggolaatay in sawir lagu galo xijaabka afar sano kahor. Maamulka Magaalada New York City ayaa sheegay in kiiskan uu albaabka u furay in isbeddel toos ah la sameeyo.