Turkey oo xayiraado ganacsi ku soo rogtay Israel.

0
59

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dowladda Turkey ayaa sheegtay inay xayiraado ganacsi ku soo rogtay Israel sababo la xiriira dagaalka Gaza.

Xayiraadahaas ayaa waxaa ku jira badeecooyin kala duwan oo dalkaas uu u dhoofiyo Israel, oo ay ka mid yihiin shamiintada, birta iyo qalabka dhismaha.

Tallaabooyinkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii Turkiga uu sheegay in Israel ay xannibtay isku day ay ku doonaysay inay gargaar ugu daadiso Gaza.

“Go’aankan waxa uu sii jiri doonaa illaa ay Israel ku dhawaaqdo xabbad-joojin degdeg ah oo ay ogolaato in gargaar bini’aadannimo oo ku filan oo aan kala go’ lahayn la geeyo Gaza,” ayay wasaaradda ganacsiga ku sheegtay qoraal lagu daabacay baraha bulshada.

Qoraalka ayaa waxaa ku lifaaqnaa liiska 54 badeeco oo dhoofintooda la xanibay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa Isniintii wacad ku maray aargudasho ka dhan ah Israel kadib markii ay ka xanibtay ciidamada cirka Tukrey inay gargaar dusha sare uga soo ridaan Gaza.