Arsenal Oo Waqti Dambe Ka Dagaallantay Guul-darro Kulan Ay Bayern Munich Oo Taageereyaal La’aan Ugu Timid Isla Kufeen

0
82

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa waqti dambe ka dagaallantay guul-darro, waxaanay barbarro 2-2 ah la gashay Bayern Munich lugta hore ee wareegga 16ka Champions League, waxaanay labada kooxood Arbacada toddobaadka dambe ku kala bixi doonaan Allianz Arena oo magaalada Munich ah ee dalka Germany ah.

Ciyaartan oo ay hadhaysay cabsida hanjabaad argagixiso oo ay ISIS soo dirtay maanta, ayaa waxa inta badan maamulaysay Arsenal oo garoonkeeda la joogay, waxaana si weyn indhaha loogu hayey haddii ay Gunners awoodi doonto inay iska celiso Bayern Munich oo laf dhuungashay ku noqotay.

Daqiiqaddii 12aad ayuu Bukayo Saka kubbadda lasoo galay xerada ganaaxa, waxaana uu dhinaca fog ka dhigay goolhaye Manuel Neuer oo goolkan ku canaantay difaacyahannada kooxdiisa oo aan diyaar u ahayn inay joojiyaan xiddiga reer England.

Lix daqiiqadood kaddib ayay Bayern Munich keentay goolka labaad oo uu u dhaliyey Serge Gnabry oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Leon Goretzka.

Bayern Munich oo khadka dhexe dhaqdhaqaaq ka samaysay markii ay goolka keentay ayaa waxa ay isku dayeen inay dib iskaga riixaan Arsenal oo ciyaaraysay kubbad isku xidhan min difaac illaa weerar.

Qalad uu galay William Saliba ayaa Bayern Munich loogu dhigay rikoodhe daqiiqaddii 32aad, waxaana gool u beddelay Harry Kane oo dhinaca qaldan u diray goolhaye David Raya, iyadoo qaybta horena ay labada kooxood kala nasteen iyadoo Bayern Munich 2-1 ku hoggaaminaysa ciyaarta.

Arsenal oo ogayd in ciyaartoyda Bayern Munich ay yihiin go’doon aan garab ku haysanin garoonka Emirates Stadium oo aanu xataa hal qof u joogin maadaama ay UEFA mamnuucday in taageereyaasha kooxda reer Germany ay kulankan yimaaddaan, ayaa waxa ay qaybta labaad lasoo laabatay dardar xooggan.

Laba beddel oo uu bilowga qaybta labaad sameeyey tababare Mikel Arteta ayaa firfircooni u abuuray ciyaartoyda Gunners, waxaana si baqasho la’aan ah khadka dhexe iyo difaaca Bayern Munich kubadda ula dhax ordayey Leandro Trossard iyo Gabriel Jesus.

Daqiiqaddii 76aad ayaa kubbad uu ka shaqeeyey Jesus waxa gool u beddelay Leandro Trossard oo ciyaarta ka dhigay 2-2, balse Gunners ayaa uu wadnuhu istaagi gaadhay daqiiqaddii 90aad markaas oo Coman oo beddel kusoo galay uu kubbad birta uga jaray.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-2 ay labada kooxood ku kala nasteen, maadaama lugtooda labaad Arbacada ay ku ciyaari doonaan Magaalada Munich oo midkood uu iska xaadirin doono semi-finalka.