Madaxweynaha Soomaaliye oo bulshada ugu baaqay ineey u diyaar garoowan doorasho qof iyo cod ah

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabadda ciidul fidriga ayaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ugu baaqay ineey u diyaar garoowan doorasho qof iyo cod ah si ay u doortaan qofka ay doonayaan in uu xakumo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay balan qaaday iney rumeeyso rajada shacabka Soomaaliyeed taasi oo ah ineey doortaan masuuliyiinta xukumaya sida dowladaha hoose ,gudoomiyashaa gobolada iyo madaxweynaha ugu sareeya dalka .

Warkan Waxaa Inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin