Sudan oo looga cabsi qabo gaajada ugu daran Addunka.

0
51

Baladweyne (Radio Beerlula)-Hay’ad gargaar oo ka shaqeysa Sudan ayaa ka digtay heerka gaajada iyo nafaqodarda ka jirta dalkaas kaddib dagaalka sokeeye ee hakaas sanadka ka socday. Arrinta ayaa ka xun sidii markii hore loo maleynaayay.

Heyadda MSF yio kuwa kale waxay sheegeen in burburka dowladda iyo kaabayaasha asy keeneen in hadda macluul qarka loo saaran yahay
Dhinaca kale, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in Sudan ay noqon karto “Halkii ugu darneyd gaajada adduunka”
In gargaar la gaarsiiyo gobolka Darfur ayaa waxaa hor’istaagay dagaalka ka socda halkaas.

Intaa waxaa dheer in dalka uusan hadda waxba tacbaneyn xilliga soo socda ee bilaabanaya bisha May.
MSF waxay sheegtay in labadii saac uu hal cunug ku dhimanayo xero qaxooti oo ku taal waqooyiga Darfur halkaasi oo lagu baaray tobannaan kun oo barakacayaal ah.

Hay’adda waxay sheegtay in xaaladda dhulka fog ee miyiga ay ka sii darnaan karto inta la ogyahay.