Todobo qof ayaa ku dhintay shil biriq oo ka dhacday degmada Rahim Yar Khan ee gobolka Punjab-ta Pakistan.

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-Todobo qof ayaa ku dhintay shil biriq oo ka dhacday degmada Rahim Yar Khan ee gobolka Punjab-ta Pakistan.

Sida laga soo xigtay booliska Punjab iyo saraakiisha samatabbixinta, lix jir iyo ilmo siddeed jir ah ayaa sidoo kale ka mid ah dadka dhintay.

Sida ay sheegeen maamulka, meelo badan oo ka mid ah degmada ayaa waxaa ku soo dhacday Biriq, waxaana socda dadaallo lagu qiimeynayo khasaaraha ka dhashay.

Roobab goosgoos ah ayaa ka socda qaybo kala duwan oo ka tirsan Punjab, Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, kuwaas oo sababay khatar fatahaada webiyada iyo dhul go’a ee dhulka buuraleyda ah.

Qaar ka mid ah waddooyinka gobollada aan kor kusoo xusnay ayaa gebi ahaanba go’ay