Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maamulka Jubbaland Maxamed Nuur Cali ayaa maanta magalada kismaayo ka daah-furay shirka wadatashiga Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland iyo Jaamacadaha degmada Kismaayo kaasi oo looga hadlayay hormarinta Xoolaha.
Furitaanka shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa ka qeyb galay Gudomiyaha gudiga Khayraadka Golaha Wakiilada Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Jubbaland qaar kamid ah ardaydii iyo macalimiin kasocday Jaamacadaha Kismaayo iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Macalin Aweeys