Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynihii dalka Iiran Ibraahim Raiisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir-Cabdollahian iyo mas’uuliyiin kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen diyaarad Axaddii shalay ku burburtay waqooyi-galbeed ee dalka Iran.
Diyaaradda ayaa ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaanno, waxaana ay ku dhacday dhul buuraley ah, xilli cimiladu ahayd mid aad u liidata.
Saacado badan ayuu qaatay baaritaanka ku saabsan helitaanka burburka diyaaradda, iyadoo caqabadda ugu weyn ay noqotay ceer-yaamo ka jirtay dhulka buurleyda ah ee shilku ka dhacay.
Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla marki la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.